BANAANBAX KA DHACAY DALKA KENYA.
(SAWIRKA)CIIDAMADDA AMAANKA DALKA KENYA.
(NAIROBI)-Booliska dalka kenya ayaa maanta oo Talaada ah waxa uu gaaska dadka ka ilmeysiya ku kala eryey dad ku banaanbaxaayey caasimadda Nayroobi,dadkaan sameynaayey banaanbaxa ayaa ka soo horjeedo hindiso maaliyeedka sannadkan-2023-ka kaaso lagu doonaayo in lagu fuliyo kor u qaadida canshuurta. Banaanbaaxayaasha ayaa watay calamo,loox hadal ku qoran yahay iyo firimbiyo,waxa eyna soo buux dhaafiyeen xarunta ganacsiga ee degmada wadadeeda,waxa eyna ku heesayeen eryada ugu qoran looxda ey wateen oo lid ku ah hindisa sharciyeedka maaliyadda,waxa eyna banaabaxayashu socod ku mareen agagaarka dhismaha baarlamaanka dalka Kenya.
ISHA WARKA AA.