BAARLAMAANKA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO…

(SAWIRKA)-BAARLAMAANKA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA.

(MUQDISHO)-Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya labadiisa aqal ey kala Hogaaminayaan Sheekh Aden Madoobe iyo Cabdi Xaashi ayaa maanta oo Talaada ah waxa ey isugu yimaadeen shir aan caadi oo uu isugu yeeray Madaxweynaha Jamhuuryadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud,Ujeedada shirka aan caadiga ahayn ayaa yimid ka dib markii Dawladda Federaalka Itoobiya iyo maamulka Soomaaliland ey shalay oo Isnin ahayd Addis Ababa ku kala saxiixdeen heshiis dhigaayo in Dawladda Federaalka Itoobiya iney dawalad Madax banaan u aqoonsato maamulka Soomaaliland ayadana la siiyo 20-kiiloomitir oo biyaha Badda Soomaaliya ah si ey halkaasi saldhig ciidan uga sameysato. Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray dhawr Qodob oo aad Xasaasi u ah kuna saabsan Qaranimada dalka Soomaaliya iyo Madax banaanidiisa dhuleed.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN LA SI AKHRISO.

Previous
Previous

SHIR DEG DEG AH OO EY YEESHEEN GOLAHA WADATASHIGA QARAN.

Next
Next

MIDAWGA YURUB OO TAAGEERAY SOOMAALIYA.