AMISOM OO KA HADASHAY DILKII GOLWEYN.

3C442D3E-6F94-4854-91DA-1EF88C9EFD72.jpeg

Maalmo ka hor ayaa waxaa magaaladda Golweyn ee gobolka shabeeladda hoose waxaa ka dhacay xasuuq loo geeystay dad shacab ah oo degan magaaladda Gololeey,dadkaan la laayey ayaa waxaa laayey ciidamo ka tirsan kuwa hawlgalka Afrika ee Amisom gaar ahaan kuwood ka yimid dalka Ugaandha,arrintaan ayaa waxa ka hadlay odayaal dhaqameed,siyaasiyiin iyo dad fara badan oo ku heyb ah dadka la laayey. Ugaaska beesha Mudulood Ugaas Maxamuud Ugaas Cali Ugaas Cabdulle ayaa waxa uu la hadlay warbaahinta maxaliga ah waxa uuna Ugaaska sheegay wixii ka dhacay Golweyn iney tahay arrin aan weli uga dhicin soomaaliya tan iyo markii eey dalka soo galeen ciidamadda nabad ilaalinta Afrika ee Amisom. Sidoo kale waxa isna arrintaan si kulul uga hadlay Raysal Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliyeed Eng.Rooble waxa uuna sheegay in shacabka soomaliyeed yihiin lama taabtaan lana sameey doono baaritaan la xiriiro dhacdadaan foosha xun eey sameeyeen ciidamadda Amisom. Raysal wasaare Rooble ayaa waxa uu magacaabay gudi soo baaro arrintaan kana socdo dawladda Federaalka Soomaaliyeed,gudiga ayaa kala ah: (1)-Wasiirka wasaaradda Amniga-Xasan Xundubeey. (2)-Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha-Gen.Mukhtaar Xuseen Afrax. (3)-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga-Xasan Xuseen Xaaji.(4)-Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda-Cabdulqaadir Maxamed Nuur(Jaamac).

Dhinaca kale,hawlgalka midawga Afrika ee Amisom ayaa maanta ka hadlay dhacdadii foosha xumeed ee ka dhacday Golweyn ee gobolka shabeeladda hoose dhacdadas oo eey geysteen ciidamadda Ugaandha ee qeybta ka ah Amisom,baaritaan hordhac ah eey sameysay Amisom ayey ku ogaatay in todobadda qofood ee lagu dilay Golweyn eeysan ka tirsaneyn kooxda Alshabaab,gudigaan ka socdo Amisom ayaa laga yaabaa ineey ku talin doonaan in Amisom bixiso magdhaw la siinaayo ehelkii dadkooda geeriyoodeen. Amsiom ayaa sameeysay gudi ayada ka socdo qeybna ka ah baarayaasha,gudiga Amisom ka socdo ayaa ka kooban todobo qofood uu hogaaminaayo sarkaal sare oo ka socdo Amisom iyo laba xubnood oo ka socoto ururka midawga Afrika kana imaan doono magaaladda addis ababa,waxaa xubnahaan wehlin doono xubno saraakiil ah kana imaan doono daladda federaalka soomaaliyeed,baaritaanka ayaa lagu wadaa in la soo afajaro lixda bisha sebteembar-2021-ka(6/9/2021)-ka.

https://amisom-au.org/2021/08/amisom-commits-to-swift-and-transparent-inquiry-into-golweyn-incident/.

Previous
Previous

WARAKA LA XIRIIRO DOORASHADDA SOOMAALIYA.

Next
Next

RAG LAGU TUHUNSANAAY ARAGAGIXISO OO XABSIGA LAGA SII DAAYEY.