AMINATA TOURE WAA WASIIR KA ..
AMINATA TOURE SAWIRKEEDA.
(GERMANY)-Ma aha markii ugu horeeysay amaba ugu dambaysan oo aan maqalno in xil loo magacaabo qof asalkeedu yahay Afrika dalalka Galbeedkana ku timid Qaxootinimo,horay waxaan un ogayn Ilhan Cumar oo dalka Maraykanka ka ah xildhibaanad shaci dejiya ah laakinse maanta waxa aan ka hadlaayo ma aha Ilhan ee waa gabar kale kana soo jeedo Afrika lana yiraahdo Aminata Toure kana soo jeedo dalka Maali ee Galbeed Qaaradda Afrika. Tminata ayaa carrurnimadeedii waxa eey ku soo qaadatay ayadoo qaxooti ah dalka Jarmalka waane xusuus maskaxdeeda ku soo noqnoqota in ehelkeeda loo ogolaaday ineey qaxotinimo ku joogaan dalka Jarmalka balse Aminata ayaa hadda noqotay haweenidii ugu horeeysay oo Madaw ah kana mid noqotay Golaha Wasiiradda dalka Jarmalka. Aminata Toure waa gabar reer Maali ah uuna qoyskeeda yimid dalka Jarmalka isagoo ka soo cararay dagaalkii ka dhacay dalka Maali sannadkii 1992-dii,Aminata ayaa dhalatay wax yar uun ka dib markii uu qarxay dagaalkii ka dhacay dalka Maali waxa eeyna hadda noqotay Wasiirka Arrimaha Bulshada ee dalka Jarmalka.
ISHA WARKA ARABICPOST.