ALSHABAAB OO WEERTAY KENYA.

DHISMAHA EY ALSHABAAB GUBTAY.

(NAIROBI)-Tan iyo markii kooxda Alshabaab lagu soo jebiyey maamuladda H/shabeele iyo G/mudug kooxda waxa ey weeraro ka gaysaneysay gudaha dalka Kenya,weerakii ugu dambeeyey ey kooxda ka gaysato Kenya ayaa waxaa ku geeriyooday laba qofood waxa eyna kooxdu gubtay dhismo ey lahaayeen ciidamada booliska Kenya,weerarka ayaa waxa uu ka dhacay tuulada Taa una dhaw Pandagou ee gudaha Waaxda Witu ee galbeedka gobolka Lamu. Sida la sheegay weerarka ayaa waxaa qaaday sideed dagaalyahan kana tirsan kooxda Alshabaab kuwaaso si aad ah u hubaysnaay waxa eyna labisnaayeen dharka ciidamada Kenya,weerarka ayaa dhacay sideedii fiidnimo waqtiga Kenya ee shalay oo Axad ahayd. Madaxa tuulada la weeraray ayaa sheegay ineey weerarka ku dhinteen Mawanza Cali oo 35-jir ah iyo Rai bingo Rumba oo 30-jir ah.

ISHA WARKA DAILY NATION.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

9-QOFOOD OO KA TIRSAN DAACISH OO…

Next
Next

90-QOFOOD OO TAHRIBAYAAL AH AYAA SOO…