90-QOFOOD OO TAHRIBAYAAL AH AYAA SOO…
TAHRIIBAYAAL KU SOCDO INGIRIISKA.
(LONDON)-90-qofood oo tahriibayaal ayaa ka soo gudbay Kanaalka Ingiriiska ayagoo saaran laba doon oo yar-yar maalintii dalalka Yurub looga dabaal degaayey ciida Kirismaska sidaas waxaa xaqiijiyey wasiirka difaac dalka Ingiriiska. Wadadaan khatarta badan ee Kanaalka ah ey isticmaalaan tahriibayasha una dhexeeyso wadamadda Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa sannadkaan-2022-ka waxaa ka gudbay dad lagu qiyaasay ineey dhan yihiin 45,756-qofood,tiradaan ayaa ah mid aad uga badan tab iyo markii la bilaabay in la ururiyo tirada tahriibayaasha sannadkii 2018-kii,tirada tahriibayaasha ee la diiwaan geliyey sannadkii 2021-kii ayaa dhan 28,526-qofood marka loo fiiriyo Jaantuuska.
ISHA WARKA THE GUARDIAN.