ALSHABAAB OO SHIDAAL IYO RAASHIN LAGA FURTAY.

(SAWIRKA)-RAASHINKII ALSHABAAB LOOGA FURTAY GADOON.

(GADOON)-Wararka laga helaayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaayo in ciidamadda degaanka Gadoon ey suuragashay iney gacanta ku dhigaan Raashin iyo Shidaal u socday kooxda Alshabaab ee hadda ku sugan degaanka Xiindheere,Macwaaisleyda beesha Ceyr oo aagaasi si aad ah ula socda dhaqdhaqaaqiisa ayaa ka war helay gaariga Alshabaab u siday Raashinka iyo shidaalka waxayna gacanta ku soo dhigeen dhammaan wixii saaranay Gaariga sida laga soo xigtay Gudoomiyaha degaanka Gadoon C/naasir. Kooxda Alshabaab oo ka war heshay in xoogaga degaanka Gadoon qabteen Raashinkii iyo Shidaalkii u socday ayaa soo weerartay xoogagii degaanka waxaan halkaasi ka dhacay dagaal Alshabaab looga dilay seddex maleeshiyo halka xoogaga degaanka looga dhaawacay hal qof,waxaane Raashinkii iyo Shidaalkii loo soo gudbiyey degmada Dh/mareeb oo 40-kiilomitir u jirta degaanka Gadoon. Dhinaca kale,warar ayaa sheegaayo in kooxda Alshabaab isku fara saartay degaanka Shabeelaw ka dibne ey faaruqiyeen Shabeelaw mana jirto cid hadda ku sugan Shabeelaw oo waa faaruq.

ISHA/CAASIMADA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

14-MALEESHIYO OO ALSHABAAB AH OO ISA SOO….

Next
Next

MW-XASAN OO GAARAY DHUUSAMARREB.