ALSHABAAB OO LAGU LAAYEY B/BURDE.
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA XOOGA DALKA SOOMAALIYEED.
(BUULABURDE)-Wararka aan ka heleyno degmada B/Burde ee Gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in duleedka degmada B/burde uu saakay 9:00-kii subaxnimo uu halkaasi ka qarxay dagaal xoogan una dhexeeyo Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo xoogagag degaanka oo dhinac ah iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab,dagaalka ayaa yimid ka dib markii ey CXDS iyo xoogaga degaanka ee loo yaqaano Macaawisleyda ey weerar ku qaadeen fariisin ey lahaayeen maleeshiyaadka Alshabaab,dagaalka ayaa la soo sheegaa inuu gaystay khasaaro labada dhinac kala gaaray balse maleeshiyaadkii Alshabaab laga saaray goob ey ku dhuumaaleysanaayeen waxaane hadda lagu daba jiraa haraadigii kooxda Alshabaab oo u cararay dhinaca wabiga shabeele.
ISHA/CAASIMADDA.