ALSHABAAB OO KHASAARO LA GAARSIIYEY.

(SAWIRKA)-GATRAASHKII LAGA BURBURIYEY ALSHABAAB.

(KISMAYO)-”Weeraradii qorsheysnaay ee lagu qaaday kooxda Alshabaab ee ku sugneed gobolka Jubada Dhexe waxa ey ahaayeen weeraro lagu guulaystay kooxdana lagu gaarsiiyey jab aad u xoogan”sidaas waxaa laga soo xigtay sarkaal sare kana tirsan sirdoonka Jubaland oo u hadlay Wargays reer Galbeed ah oo wax ka qora arrimaha amniga iyo kooxaha argagixisada caalamiga ah,sarkaalkan ka tirsan Jubaland ayaa hoosta ka xariiqay in weeraradii ka kala dhacay degmooyinka JILIB,BU’AALE,SAAKAW iyo degaanka Salagle ahaayeen kuwa horay loo sii qorsheeyey lana ogaay horjoogayasha halkaasi ku sugan,waxa uune sarkaalkan tusaale u soo qaatay inuu goobtaasi joogay madaxii hawlaglada kooxda Alshabaab C/casiis Abu Muscab in kastoo sarkaalkan Jubadland uusan xaqiijin dhimashada Abu Muscab iyo in kale. Weerarka lagu qaaday degmada Saakoaw ee gobolka J/dhexe ayaa lagu burburiyey garaash la sheegay in lagu diyaariyo baabuurta qaada qaraxyada lagu weeraro saldhigyada Ciidamadda DFS iyo kuwa Atmis ee kuyaalo goblada Jubooyinka,sida uu sheegay sarkaalka ka tirsan sirdoonka Jubalanda tirada baabuurta ku jirtay garaashka la weeraray ayaa ahayd tiro aad u badan waxaane la burburiyry ayuu yiri sarkaalkan shan babuur oo kuwa xamuulka ah,seddex caasi ah iyo dhawr baabuur oo kuwa raaxada ah,kooxda Alshabaab war ey ka soo saartay weeraradaasi ayey ku sheegtay in lagu dilay dad shacab ah laguna burburiyey hanti shacabka leeyahay. Kooxda Alshabaab oo ka jawaabayso weerarka lagu dhibaateeyey eyna qaadeen diyaaradaha dalka Kenya ee qeybta ka ah Atmis ayaa waxay weerar ku qaadeen tuulooyin hoostaga degmada Lamu ee dalka Kenya waxa eyna kooxda halkaasi ku dishay shan qofood uu ku jiro wiil arday ahaay,waxa eyna kooxda Alshabaab halkaasi ka soo qaateen agab tiro badan oo dad shacab ah leeyihiin sida ey sheegeen hayadaha amniga iyo wargaysyada Kenya. Dhinaca kale,kooxda Alshabaab ayaa waxa ey kordhisay dilalka ey ku fulinayso dagaalyahano ayada ka tirsan ka dib marka ey ku edeyso iney basaasin u ahayeen DFS,J/land iyo Maraykana,dadki ugu dambeeyey ey kooxdu dil ku fulisay ayaa kala ah: (1)-Cabdi Maxamed Cabdalle 42-jir ah. (2)-C/samad C/qadir Xasan 22-jir ah. (3)-Maxamed Adan Maxamud 33-jir ah. (4)-Mawliid C/lahi Cilmi 43jir ah. (5)-Siyaad Muxyadiin Cismaan 27-jir ah,dhammaan dakaan ayaa lagu wada toogtay degaanka Faxfaxdhuun kana tirsan gobolka Gedo. Marka aad dib u fiirisid kooxda Alshabaab iyo dilalka toogashada ah ey ku fuliso dagaalyahano ayada ka tirsan waxa aad arkaysaa iney sii kordhayso tan iyo markii kooxda Alshabaab laga fara maroojiyey dhul aad u baaxad weyn kuna yaalo maamuladda G/mudug iyo H/shabeela,labadii bilood ee la soo dhaafay ayey kooxda Alshabaab waxa ey toogatay in ka badan 20-dagaalyahan uguna edeysan Basaasnimo goobaha dadkaasi lagu toogtay waa “Kuunyo Baraw,Bu’aale,Jilib,Saakaw iyo Tayaglaw”.

ISHA WARKA SB-MEDIA.

Previous
Previous

GIRIIGA OO LOO SOO JEEDIYEY EDEYN.

Next
Next

EU-DA OO CUNAQABATEYN SAARTAY….