ALSHABAAB LAGU LAAYEY XAWAADLEY.
GAARI WADA MADAXDII ALSHABAAB OO BAXSAD KA AH DUQEYMAHA DIYAARADAHA DRONES-KA EE XAWAADLEEY.
(BALCAD)-Shalay ayey ahayd markii maleshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab ey weerar ku soo qaadeen fariisin ey leeyihiin ciidamadda XDS kuna yiilay degaanka Xawaadleey ee degmada Balcad Gobolka Shabeeladda dhexe,weerarki dhacay eyna ku dhinteen saraakiil iyo askar ka wada tirsan CXDS ayaa waxaa ka dhashay in maanta oo Arbaca ah hawlgal adag laga fuliyo degaanada ku hareereysan degaanka Xawaadleey waxaane hawlgalkaan iska kaashaday ciidamada DFS iyo saaxibada soomaaliya ka kaalmeeyo la dagaalanka Alshabaab. Hawlgalkii maanta ayaa waxaa lagu dilay 25-dagaalyahan kana tirsan kooxda Alshabaab waxaane kooxda looga soo qabsaday hub iyo saanad ey isaga carareen,waxaane weli socdo duqeymihii loo gaysanaay haradigii kooxda jabtay ee Alshabaab kuna sugnaay hareeraha deganka Xawaadleey ee degmada Balcad.
ISHA WARKA GJ.