DAGAALKA ITOOBIYA OO SII KORDHAY.

abiye.jpg

Sida uu qoray wargayska caalamiga ah ee New York Times Itoobiya waxa eey u muuqataa mid danaynaysa ineey gasho dagaal sokeeye ka dib markii eey ciidamadeeda talaabo cadawnimo ku qaadeen halka eey ka taliso kooxda awooda badan ee degta waqooyiga itoobiya ee tigray,waxaane dalka daafihiisa laga kala keenay ciidamo balse hogaamiye Abiy Axmed ayaa ah mid iska indha tiraayo codsiyadda caalamiga ah ee faraayo inuu ka joogo dagaalka uu ku qaadaayo gobolka eey degaan qoowmiyadda Tigray.

“ Dalkaynu waxa uu galay dagaal aan la filayn” Sidaas waxaa yiri taliye ku xigeenka ciidamadda Itoobiya Gen.Birhanu Jula. Taliyaha ayaa intaa raaciyey “ Dagaalkaan waa mid ceeb ah maalaa yacnina ah”, lama oga ilaa hadda xaalka halku uu maraayo waxaane dhacday in maalintii shalay ahayd gobolka Tigrayda degto laga wada jaray dhammaan isgaarsiinta taasoo loo macneeyey in xukuumadda Itoobiya rabto in indhaha caalamka ka qariso waxa ka dhacaayo goblka waqooyi ee dalka Itoobiya. XIGASHO NEW YORK TIMES.

RIIX HALKAAN.

Previous
Previous

SOOMAALIYA OO KA MID NOQOTAY 16-KA…

Next
Next

GABADHII SEDDEXAAD OO MUSLIMADA KUNA SOO BIIRTAY KOONGAREESKA.