SACUUDIGA OO SHEEGAY IN LA BILAABI DOONO CUMRADDA.

2020-07-30t000000z_1083138536_mt1ltana0009op3zs_rtrmadp_3_asia-coronavirus-covid-19-isolation-mask-mecca-pandemic-quarantine-religion-saudi-arabia-840x540.jpg

Sida eey maanta oo ah Talaado kuna beegan 22/9/2020-ka sheegtay boqortooyadda sacuudiga waxaa dib loo bilaabaa gudashadda Cumradda waxaane laga bilaabaa ineey gutaan Cumradda dadka u dhashay Sacuudiga iyo kuwa haysta sharciga degenaashaha dalkaas kuna sugan gudaha Sacuudiga marka laga bilaabo 4/10/2020-ka markaas ka dib ayaa loo gudbi doonaa kuwa daneeynaayo ineey soo gutaan Cumradda kana imaanaayo dibadda Sacuudiga marka la gaaro horaanta bisha Noofembar-2020-ka. Sida lagu qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga waxaa jiro qorshe ka kooban afar heer oo loogu talagalay dadka gudanaayo Cumradda si looga hortago faafidda cudurka Covid-19. Sida laga soo xigtay masuul u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga ayaa sheegay heerka koobaad ee dadka Cumraysanaayo waxaa loo ogol yahay dadka u dhashay Sacuudiga iyo haysta sharciga deganaashaha dalkaasi kuna sugan gudaha Sacuudiga marka laga bilaabo 4/10/2020-ka,lix kun qofood ayaa Cumaraysanayso maalintii una dhiganta 30% ayadoo la ilaalinaayo caafimaad masjidka barakaysan ee Maka.

Halkaan ka akhriso warka.

Previous
Previous

QAABKEE QOOR-QOOR U SHIRQOOLAY KHAYRE.

Next
Next

SIRDOONADA MARAYKANKA IYO INGIRIISKA UU KA DHEX JIRO DAGAAL QARSOON GUDAHA DALKA KENYA.