4.3-MILYAN AYAA KU BARAKACAY GUDAHA SOOMAALIYA.

(SAWIRKA_BARAKACAAYSHA SOOMAALIYA.

(SOMALIA)-Boqolkii labaatan iyo shan(25%) dadka Soomaaliyeed ayaa hadda ah barakacayaal ku sugan gudaha dalka Soomaaliya,dadkaan soo barakacay ayaa ka soo cararay degaanadii ey ku noolaayeen sababo la xiriiro abaaro daba dheeraaday iyo amni darri halkaasi ka jirta sidaas waxaa laga soo xigtay urur samafal ah oo saldhigiisu yahay dalka Ingiriiska. Ururka Samafalka Islaamka warbixintiisii ugu dambaysay lana sii daayey maalintii shalay oo Arbaca ahayd ayaa lagu sheegay in 4.3-Milyan oo qofood oo Soomaali ah iney ku barakaceen gudaha dalka Soomaaliya waane tiradii ugu badnayd oo la diiwaan geliyey dalka Soomaaliya, dalka Soomaaliya tirada dadka ku nool ayaa lagu qiyaasaa iney dhan tahay 17-Milyan oo qofood.

ISHA/AA.

HALKAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

RUUSHKA OO VETO SAARAY QARAAR…

Next
Next

YAA XILKIISA KU WAAYI DOONO DAGAALKII CAWSWEYNE?