SEDDEX DAL AYAA ISU BEHAYSTAY DAGAALKA LOOGA SOO HORJEEDAY TIGRAY.

b-187-800x445.jpg

Waxaa weli ka taagan dood dagaalkii dawladda federaalka Itoobiya eey ku qaaday gobolka Tigray dhammaadkii sannadkii 2020-ka,dagaalkan ayaa waxaa dhashay barakac baahsan,dhimasho aan xisaab lahayn iyo dhaawacyo weli la la’a yahay meela la kala dhigo. Dawladdo badan ayaa welwel waxa eey ka muujiyeen in dagaalka lagu qaaday gobolka Tigray yahay mid eey ka qeyb ahaayeen dawladdo kale derisna la ah dalka Itoobiya,tusaale ahaan dalka Maraykanka ayaa waxa uu farta ku fiiqay in dalka Eritereeya qeyb ka yahay dagaalka Tigray ka socda ka hor inteysan dawladda Itoobiya sheegan ineey guul ka gaartay dagaalkii Tigray balse labadda dal ayaa inkiray in dalka Eritereeya ku jiro dagaalka. Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa soo baxay warar sheegaayo in ciidamo ka socday soomaaliya eey qeyb ka ahaayeen dagaalka Tigray,ciidamadda la sheegay ineey dagaalka ka qeybgaleen ayaa tiradooda lagu sheegay ineey dhan tahay 4000-askeri kuwaaso ku sugnaay dalka Eritereeya halkaasoo eey ku qaadanaayeen tababar ciidan,waxaane dhacday in waalidiin fara badan banaanka u soo bexeeen ka dib markii eey maqleen in askar soomaali ah lagu laayey dagaalkii Tigray balse dawladda federaalka soomaaliya ayaa inkirtay ineey jiraan ciidamo soomaali ah oo tababar u jira dalka kana qeygalay dagaalka Tigray,sida uu qoray maanta oo Talaada ah 26/1/2021-ka wargayska EURASIAREVIEW waxaa jira waxyaabo muujinaayo in la isu bahaystay dagaalka Tigray eeyna isu beheysteen dalalka SOMAALIYA,ITOOBIYA IYO ERITEREEYA kuwaasoo hogaamiyeyaashooda eey qaateen kulano is xigxiga ka hor inta uusan dhicin dagaalka Tigray,arrinta la yaabka leh ee uu xusay wargayska ayaa ahayd in safiirka Maraykanka u fadhiya soomaaliya uu wax kala socday amaba ogaay kulanadda seddex geesoodka ah ee u dhexeeyey SOOMAALIYA,ITOOBIYA IYO ERITEREEYA mana jirto ayuu leeyahay wargayska wax warmurtiyeed ah eey soo saareen seddexda hogaamiye inta eey shiraayeen lana wadaageen warbaahinta,arrinta ugu xanuunka badan ayaa ah in heshiiska aan laga qeyb gelin walalaha reer Jabuuti kuwaasoo mar walba hiil iyo hooba la garab taagan shacabka soomaaliyeed taasne eey sameeysay xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo. XIGASHO EURASIA.

HALKAAN KAKHRISO.

Previous
Previous

ASKARTA ERITYEREEYA OO DIL IYO DHAC KA GEESTAY GOBOLKA TIGRAY..MARKHAATI.

Next
Next

MARAYKANKA WAXA UU SOOMAALIYA KU BIXIYEY LACAG DHAN 1.5-MILYAN OO DOOLAR..