38-MUHAAJIR OO KU DHIMATAY…
DAD MUHAAJIRIIN AH.
(GIRIIG)-Dalka Giriiga waxa uu ka mid yahay dalalka eey sii maraan dadka u tahriibaayo Qaaradda Yurub ayagoo sii dhexmaraayo dalka Tukiga ee deriska la ah dalka Giriiga,inta badan dadkaan tahriibaayo ayaa ka kala yimaado Pakistan,Suuriya,Afgaanistaan iyo Qaaradda Afrika. Soomaalida ayaa ka mid ah dad u tahriibo dalka Giriiga ayagoo sii mara Turkiga in kastoo dalka Turkiga uu hadda adkeeyey dal ku galkiisa oo waxaaba khadka Internet-ka laga saaray Baasaboorka Soomaalida oo Online-Visa kuma dalban karto Soomaalida. Booliska dalka Giriiga ayaa shegay ineey soo heleen meydad gaaraayo 38-qofood oo Muhaajriin ah kuwaaso ku xanibmay wabiga Evaros oo ku yaalo xuduudka u dhexeeyo dalalka Turkiga iyo Giriiga,booliska ayaa intaas raaciyey in dadka la helay meydadkooda eey kala yihiin 22-Rag ah,9-Dumar ah iyo 7-Caruur ah lana wada helay Maanta oo Isniin ah lagana helay wabiga Evaros dhinaca soo xigo dhulka Giriiga,dadkaan la helay Meydadkooda ayaa waxaa ka mid ahayd haweeneey Uur leh.
ISHA WARKA AP.