22/8/2019 ILAA 26/1/2023 AYUU XIJAAR AHAAY…
GEN.CABDI XASAN MAXAMED (XIJAAR).
(SOMALIA)-Waxa aan rabaa inaan guud mar gaaban ku sameeyo taariikhda taliyihii hore ee Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed Gen.Cabdi Xasan Maxamed “Xijaar”. Gen.Xijaar waxa uu ku dhashay Gobolka Sool ee maamulka S/land sannadkii 1953-dii waxa uuna waxbarashadiisa ku dhammaystay Gobolka Banaadir. Gen.Xijaar ayaa tababar dhinaca Ciidamadda Mileteriga ah u tegay dalalka Maraykanka iyo Jarmalka,waxa uuna tababare Mileteri ka noqday gudaha dalka Soomaaliya. Sannadkii 1989-kii Gen.Xijaar waxaa loo magcaabay Qunsulka Soomaaliya u fadhiya dalka Jabuuti, dagaalkii sokeeye ka dib Gen.Xijaar waxa uu noqday Madaxa Waaxda Socdaal Soomaaliya. 2008-dii ilaa 2009-kii Gen.Xijaar waxa uu ka tirsanaay hawl wadeenada Safaaradda Soomaliya ee dalka Boqortooyada Sacuudiga waxa uuna ka ahaay ku qeybsanaha arrimaha ciidamada qalabka sida. Bishii Abriil-2019-kii Gen.Xijaar waxaa loo magacaabay taliye ku xigeenka Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed. 22/8/2019-kii Gen.Xijaar waxaa loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed, Gen.Xijaar ayaa soo ahaay taliyaha booliska Soomaaliya seddex sano iyo shan bilood,waxaane maanta oo Khamiis ah xilkii taliyenimo ka qaaday Golaha Wasiradda JFS shirkoodii todobaad laha ahaayee ka dhacay Muqdisho.
DIYARIYE-ABKEY(MUQDISHO).