20-SANO OO LAGU XUKUMAY CABDULLAHI AXMED CABDULLAHI.
MAXKAMADA.
(SAN DIEGO)-Wiil haysta dhalashada dalka Kanada kuna noolaay koonfurta gobolka Kalifoorniya ee dalka Maraykanka ayaa lagu xukumay xabsi dhan 20-sano maalintii shalay oo Isniin ahayd ka dib markii lagu soo eedeyey inuu kaalmo siiyey dad gaarayo nus dersin Maraykan iyo Kanada ah kuwaaso uu u askareeyey kooxda Daacish ee ka dagaalamaysay dalka Suuriya Sannadadii 2013 ilaa 2014-kii uuna ka mid yahay ninkii ugu horeeyey oo Maraykan ah kana barbar dagaalama kooxda Daacish. Cabdullahi Axmed Cabdullahi oo 37-jir ah ayaa ah wiil si toos ah u maalgelinaayey dagaalyahanada argagixisada Daacish kuwaaso ku sameynaayey Afduub iyo dil dad shacab ah kuna sugnaay dalka Suuriya sidaas waxaa sheegay xeer ilaaliyaha Maraykanka Randy Grossman. Cabdullahi Axmed Cabdullahi ayaa qirtay inuu si qarsoodi ah ula galay heshiis uu ku kaalmeynaayo wiil degan San Diego lana yiraahdo Douglas McCain inuu ku biiro kooxda Daacish,McCain ayaa lagu dilay gudaha dalka Suuriya isagoo ka barbar dagaalamaayey kooxda Daacish iyagoo la dagaalamaayey xoogaga mucaaradka dalka Suuriya sannadkii 2014-kii. Xeerbeegsiga ayaa sidoo kale sheegtay in Cabdullahi siiyey lacag una diray wiil eey ilma adeer yihiin kaaso da’adiisa lagu sheegay ineey ahayd 18-jir wiilkaaso ku noolaay Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalkaasi Maraykanka si uu ugu biiro dagaalyahanada kooxda Daacish ee ka dagaalamaayey dalka Suuriya,sidoo kale Cabdullahi seddex wiil oo kale oo eey ilma adeer yihiin ka diray Edmonton caasimadda gobolka Albert ee dalkaasi Kanada.
ISHA WARKA WAKAALADO.