190-MUHAAJIRIIN OO LAGA SOO CELIYEY SAFARKOODA BADDA.

800.jpg

(AP):Sida eey ku soo warantay wakaaladda wararka ee Associated Press(AP) laba markab kuna sugnaay badda Miditereeniyaanka ayaa soo badbaadiyey 190-qofood oo u tahriibaayey qaaradda Yurub ayagoo isaga gooshaayo badda u dhesxeeyso dalalka Liibiya iyo Talyaaniga,tahriibayaasha ayaa waxaa ka mid ah dumar iyo caruur. In ka badan laba kun iyo afar boqol(2400) oo tahriibayaal ah ayaa la hakiyey safarkoodii badda waxaane dib loogu celiyey dalka Liibiya oo ah halkii eey ka soo tahriibeen,ciidamadda ilaaladda xeebaha ee dalka Liibiya ayaa suurageliyey ineey hakiyaan safarka badda ee tahriibayaasha sidaas waxaa sheegtay hayadda qaramadda midoobay u qaabilsan muhaajiriinta,tiradda muhaajiriinta ee kor ku xusan(2400) ayaa ah mid ku dhaw laba laabka tiradda muhaajiriinta ee sannadkii tegay ee 2020-ka.Tiradda guud ee muhaajiriinta eey soo celiyeen ciidamadda badda ee dalka Liibiya tan iyo markii dagaalka ka qarxay dalkaas liibiya ayaa lagu sheegay ineey dhan tahay kow iyo toban kun sideed boqol iyo sagaashan(11,890)- qofood.XIGASHO AP.

RIIX HALKAAN.

Previous
Previous

WEERAR KA DHACAY JAAMICAD KU TAALO DALKA RUUSHKA.

Next
Next

XALIIMA AADAN OO DHARKA U DICAAYADEYN DOONTA MODANISA-TURKEY.