DAGAAL KA DHACAY KOONFURTA SUUDAAN.
Xoogag daacad u ah madaxweyne ku xigeenka dalka koonfurta Suudaan Riyaak Mashaar iyo koox ka go’day kooxdii uu hogaaminayey waqtigii uu ku jiray la dagaalanka dawladda koonfurta Suudaan ayaa waxa eey ku dagaalameen dalkaas koonfurta Suudaan,labada dhinac ee dagaalamay ayaa mid walba goonidiisa u sheegtay inuu kan kale ka dilay ciidamo fara badan.Isku dhicii u dambeeyey una dhexeeyey labadaan koxood waxa uu halis ku yahay nabadda dalka koonfurta suudaan taaso ah mid aad u jilicsan,dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay goblka Niilka sare waxa uuna u dhexeeyey ciidamo daacad u kala ah madaxweyne ku xigeenka koonfurta Suudaan Riyaat Mashaar iyo gaashaanle dhexe Simon Gatwech Dual. XIGASHO REUTERS.