YEMEN OO LAGU DILAY SARKAAL SARE.

CIIDAMADDA YAMAN.

(SANA’A)-Dalka Yaman waxaa weli ka socdo dagaal u dhexeeyo kooxda Xuutiyiinta iyo xukuumadda sharciga ah ee caalamka aqoonsan yahay,Xuutiyiinta waxaa saldhig u ah caasimadda Sanca halka xukuumadda sharciga fadhigeedu yahay caasimadda ganacsiga ee Cadan,hadaba koonfurta Yaman ayaa waxaa ka jiro gole loogu magac daray Golaha ku meel gaarka ah ee gooni isu taaga koonfurta Yaman(STC),golahaan ayaa shalay oo Sabti ahayd sheegay in la dilay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Yaman ka dib markii uu bam kula qarxay koonfurta gobolka Sahbwa. Qoraal ka soo baxay golaha uu ka mid yahay Wasiiska Difaaca ayaa sheegay in G/Le.Saalim Jabwani ku waayey naftisa qarax ka dhacay degmada Al-Saciid ee Galbeed gobolka Shabwa.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

DAWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO SHEEGTAY…

Next
Next

HAWLGAL KA DHACAY WAQOOYIGA CIRAAQ.