YEMAN: XUQUUQDA DADKA OO LAGU XADGUDBAY.

(SAWIRKA)-YEMAN.

(YEMAN)-Tan iyo markii uu dagaalka ka bilawday dalka Yeman sannadkii 2014-kii waxaa ka dhacaayey xadgudubyo loo gaysanaayo dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan. Dagaalka Yeman ayaa waxa isku haayo xoogag is ka soo horjeedo eyna kala hogaaminayaan dalalka Sacuudiga iyo Iraan waxaane arrintaas ka dhashay xadgudub badan oo loo gaystay dadka shacabka ah. Hadaba gudiga wadaniga ah ee hubiyo wararka sheegaayo in lagu xadgudbay ‘XUQUUQDA DADKA” dalka Yeman maanta oo Talaada ah(5/9/23)-ka soo saaray warbixin kooban,warbixinta uu gudiga soo saaray ee waqtiyeysan tirsigeeduna yahay 11-aad kuna saabsan qorida dukumintiyada iyo hubintooda mudadii u dhexeysay Agoosto-2022-ka ilaa Luuliyo-2023-ka. Warbixinta ayaa lagu sheegay in 2997 xaaladood oo ah xadgudubka Xuquuqda Dadka lagana soo kala ururiyey gobolada dalka Yeman, Xadgudubka ayaa loo qeybiyey 31-nuuc,waxaane dhacday in mudadaasi la dilay dad lagu qiyaasay iney gaaraayaan ilaa 3287-qofood isuguna jira Rag iyo Dumar. Muddada sannadka ah ey gudigu wadeen hubinta wixii dhacay ayey soo ogaadeen iney jiraan dad la dilay iyo kuwa la dhaawacay kuwaaso tiradooda lagu sheegay 782-qofood,waxaane ka mid ah 288-qofood oo la dilay eyna ku jiraan 21-dumara iyo 48-canug,waxaane dhaawac ah 657-qofood eyna ku jiraan 151-canug iyo 52-dumara.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

LIBNAAN EY KU SOO JABEEN QAXOOTI SURIYAAN AH.

Next
Next

DAGAAL XUN OO KA SOCDA DALKA SURIYA.