YEMAN OO BAAQ U DIRTAY QM IYO BEESHA CAALAMKA.
CIIDAMADA YEMAN.
(ISTANBUL)-Ciidamada isku dhafka ah ee ku sugan Gacanka Cumaan ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ey gacanta ku dhigeen hub fara badan una socday kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yeman. Xukuumadda Yeman ee caalamku aqoonsan yahay ee fadhigedu yahay magaaladda Cadan ee koonfurta Yeman ayaa shalay oo Khamiis ahayd waxa ey baaq u dirtay Beesha caalamka iyo Golaha Amaanka ee Qramada Midoobay waxa eyna ka codsatay ineey talaabo ka qaadaan dawladda Iraan oo halis ku ah deganaanshaha gobolka iyo tan caalamka,waxa eyna xukuumadda Yeman sheegtay in Iraan tahay dal halis ku ah shacabka Yeman jiritaankiisa iyo deganaanshihiisa.
ISHA WARKA AA.