YEMAN: ISBITAALO U XIRMAY SHIDAAL YARI.

MAGAALADDA TICIS -YEMAN.

(SANCA)-Dalka Yeman waxa uu ka mid yahay dalalka ey ka dheceen kacdoonkii looga soo horjeeday madaxweynayashi xukumaayey qaar ka mida wadamadda Carabta waxaane kacdoonkaas xukunka looga tuuray AUN-Madaxweyne Cali Cabdallah Saalax taladii dalkane waxaa qeybsaday xukuumadda sharciga ah iyo kooxda Xuutiyiinta oo maamusho waqooyiga Yeman,hadaba waxaa hadda dalka Yeman ka jirto dhibaato dhinaca shidaalka ah waxa eyna taasi sababtay in Isbitaalo waa weyn bixinaayeyne adeegyo kala duwan kuna yaal gobolka Ticis joojiyaan shaqadii ey u haayeen shacabka gobolkaasi sida laga soo xigtay hawlwadeenada Isbitaaladaas. Qoraal ka soo baxay masuuliyinta Isbitaalka Guud ee Al-Thawra ayaa lagu sheegay in Isbitaalka ey ka jirto shidaal yari taasne ey sababtay in albaabada la isugu dhufto qeybo ka mida Isbitaalka Al-Thawra,waxa eyna masuuliyiinta Isbitaalka Al-Thawra ka digeen ineey halis ku sugan tahay nolosha bukaanada ku sugan gudaha Isbitaalka Al-Thawra ee magaaladda Ticis ee dalkaasi Yeman.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

DALKA LIBNAAN OO SOO QABTAY…

Next
Next

DAGAAL KA DHACAY DAARFUUF.