YEMAN: DAD BIRIQI IYO DAADAD DILEEN.
(SAWIRKA)-DADKII BIRIQDA LAAYSAY EHELKOODA OO KU SUGAN ISBITAALKA.
(YEMAN)-Waxaa caasimadda dalka Boqortooyada Sacuudiga ee Riyad maalmo ka hor gaaray wafdi balaaran oo ka socday kooxda Xuutiyiinta ee gacan saarka la leh dalka Iraan,dhinaca kale waxaa iyagana halkaasi gaaray wafdi ka socday dalka Cumaan oo u dhexeeyo Xuutiyiinta iyo Xukuumadda Yeman ee caalamku aqoonsan yahay taaso saldhigeeu yahay magaaladda Cadan. Wafdiga Xuutiyiinta ee gaaray Riyad ayaa sababay in baraha bulshada ey ku sheekaystaan dhallinyarad Carbeed gaar kuwooda ka soo jeeda dalka Yeman iney ku farxaan arrinkaan si aad ahne ey u soo dhaweeyaan talaabadda ey qaadeen Xuutiyiinta. Dhinaca kale,Gobolka Xudeyda ee dhaca galbeedka dal Yeman ayaa waxaa Biriq iyo Roobab xoogan oo is wata ku dileen sideed qofood(todobo dumar ah iyo hal nin),dadka dhintay ayaa kala degaanay tuulooyinka “AL-Laxyah iyo AL-Zahra”kana wada tirsan Xudeyda.
ISHA/ARAB.