YEMAN: CUNTO XUMI SOO FOOD SAARTAY…
(SAWIRKA)-BARAKACAYAASHA MA’ARIB.
(YEMAN)-Sideedii sano ee la soo dhaafay dalka Yeman waxaa ka socday dagaal u dhexeeyo xukuumadda iyo Xuutiyiinta,dagaalkan ayaa dalka u horseeday in dad fara badan ka barakacaan degaanadii ey degaanyeen waxa eyna degaano ku meel gaar ah ka sameysteen degaano kale oo isla gudaha dalka Yeman ah. Gobolka Ma’arib ee dhaca bariga dalka Yeman ayaa waxaa u barakacay tobanaan kun oo shacab ah kana soo qaxay degaanada dagaalku ka socdo,barakacayaashaan ayaa hadda waxaa soo wajahday Gaajo aad u ba’an ka dib markii ey Qaramada Midobe ey jartay dhaqaalihii lagu kaalmeyn jiray dadkaas soo barakacay.
ISHA/ARAB NEWS.