YAMAN UU KOR U KACAY QIIMAHA BURKA.
Dalka Yaman waxa uu ka mid yahay dalalka carabta uu ka dhacay kacdoonka sannadkii 2011-kii,waxaane ka bilawday dagaalo u dhexeeyo xukuumadda uu caalamku aqoonsan yahay ee madaxweyne Cabdurabu Mansuur Haadi iyo kooxda Xuutiyiinta eey taageerto dawladda Iraan,dagaalka ayaa waxaa qeyb ka ah isbahaysi uu hogaminaayo Sacuudiga oo raba ineey xukuumadda Cabdurabu ku soo celiyaan xukunka taasoo weli u suuratageli la’a isbahaysiga.Kooxda Xuutiyiinta ayaa haysata inta badan waqooyiga dalka Yaman eeyna ku jirto caasimadda Sanca waxaane hadda laga soo sheegayaa degaanadda eey maamulaan Xuutiyiinta dhibaato sicir barar ah kuna timid BURKA,burka ayaa la soo sheegay inuu ka ahaay degaanadda Xuutiyuunta maamulaan halkii loor 13,000-Riyaalka yamanta ah una dhiganta $ 51.93 waxa uuna hadda noqday halkii loor oo bur ah 15,000-Riyaalka yamanta ah una dhiganta $ 59.92,dhinaca kalane waraka ayaa sheegaayo in isbedel ku yimid misanka muufadda ka hor inta aanuu burka qiimihiisu kor u kicin,miisaanka ayaa ahaay 27-garaam hadda waxa uu noqday 20-garaam oo waxaa dhuntay todobo garaam halkii muufo,inta taqaano yaman marka laga hadlaayo nolosha dadka reer Yaman waa mid aad ugu xiran isticmaalka Burka waxa eeyna ka samaystaan waxyaabo fara badan oo kuma koobna kaliyah muufadda.
Magaaladda Cadan ee dalka Yaman ahne caasimadda ku meel gaarka ah ayaa waxaa saakay ka dhacay qarax lala eegtay kolonyo baabuur ah eey iska lahaayeen saraakiil ka tirsan golaha ku meel gaarka ah ee reer koonfureetka,qaraxa ayaa ahaay miino meel fog laga hago oo lagu dhex riday haanta qashinka oo tiilay meel eey maraayeen kolonyadda baabuurta ah waxaane xigay is rasaaseeyn dhexmartay rag hubaysan iyo ciidmaddii la socotay kolonyadda, S/guuto Muxsin Al-wali oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee golaha ku meel gaarka reer koofurka kolonyadiisa ayey ahayd tan la weeraray balse isaga lama socon waqtiga weerarku dhacaay,weerarka ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhawac fara badan. XIGASHO WKAALADAHA.