YAA U JARAY XIRIIRKA ISRA’IIL?
(SAWIRKA)-EYMAN.
(CAMAAN)-Tan iyo markii uu soo bilawday dagaalka Gaza 7/10/23-ka waxaa sii kordhaayey dhibaatada soo gaareyso dadka shacabka ah ee reer Falastiin kuna sugan Marinka Gaza,dagaalkan u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamadda Isra’iil ayaa galaaftay kumanaan qofood noloshooda kuwaaso u badan Caruur iyo Dumar, hadaba dawladdo aan sidaas u badnayn ayaa waxa ey qaadeen talaabooyin ey ku muujinayaan sida ey uga xun yihiin weerarada Isra’iil ey ku qaadeyso Marinka Gaza ee aan kala joogsiga lahayn. Dawladdo badan oo caalamka ah ayaa ku baaqay in Isra’iil ey joojiso weerarada ey ku hayso Marinka Gaza waxaane jiro dalal fara ku tiris ah oo qaaday talaabo umuuqato iney taabatay Isra’iil,dalalkaas qaarkood ayaa Isra’iil u jaray Xiriirkii Siyaasadeed ee kala dhexeeyey waxa eyna u yeerteen Safiiradoodii u fadhiyey Tel Aviv halka wadamo kale ey Isra’iil u jareen xiriiro aan diblomaasi ahayn sida xiriirkii ganacsiga,dalalka sidaan yeelay Isra’iil waxa ey u badan wadamadda Laatiin Ameerika sida”Hunduras,Columbia iyo Chile”, Afrika ”Koonfur Afrika iyo Chad”, wadamadda dhaca Bariga dhexe ”Boqortooyada Urdun iyo Baxrayn”.
ISHA/AXIOS.