XUUTIYIINTA YEMAN OO BILAABAY INEY KU GAMBADAAN BAABUURTA QM.

(SAWIRKA)-BAABUURTA EY LEEDAHAY QARAMADA MIDOOBE.

(SANA’A-YEMAN)-Warbaahinta gudaha dalka Yeman ayaa daah ka qaaday in kooxda Xuutiyiinta ey khubarada reer Iraan ka soo wareejiyeen caasimadda Sanca una soo wareejiyeen Gobolka IBB iyagoo adeegsanaayo gawaari gaar ah ey iska leedahay Qaramada Midoobe. Sida ey sheegtay Wakaaladda wararka ee KHABAR kooxda Xuutiyiinta ayaa gaadiidka Qaramada Midoobe u adeegsada hawlo kale oo u fududeeya isu socodka khubarada reer Iraan kuna sugan Sanca caasimadda dalka Yeman. Wakaaladda Khabar ayaa xaqiijisay in Talaadadii 20/2/14-ka in kooxda Xuutiyiinta ey tiro khubaro reer Iraan ah ku wareejiyeen gaari ey iska leedahay hayadda Qaramada Midoobe lagana keenay caasimadda Sanca lana keenay caasimadda Gobolka IBB taaso ku soo beegantay xilli kooxda Xuutiyiinta ey gentaaladda Balastikada ah ka soo wareejiyeen Gobolka Xudeyda oo ey gacanta ku hayaan,waxa eyna hadda u soo wareejiyeen Goboladda Ticis iyo IBB. Sida ey wararku sheegayaan khubarada u dhalatay dalka Iraan ee la geeyey Gobolka IBB ayaa tiradooda lagu qiyaasay iney dhan yihiin ilaa iyo shan khabiir eyna la socdeen tiro ka mid ah Maleeshiyaadka kooxda Xuutiyiinta,khubaradaan ayaa lagu daabulay laba gaari ey iska leedahay Qaramada Midoobe kuwaaso lagu arkaayey sumadda Qaramada Midoobe. Mawaadiniin reer Yeman ah ayaa sheegay in khubarada reer Iraan ey ku soo arkeen degaano dhawr ah oo u dhexeeyo Goboladda Damaar iyo IBB,waxaane taas u dheeraay iney arkeen haweey Iraaniyadd ah lana socotay Khubarada loona maleynaayo iney tahay khabiirad la shaqeysa Khubarada reer Iraan.

ISHA/ARAB.

Previous
Previous

MARAYKANKA IYO INGIRIISKA OO WEERAR CULUS KU QAADAY XUUTIYIINTA.

Next
Next

DEG DEG: MARAYKANKA OO SOO RIDAY GENTAAL LAGA SOO RIDAY YEMAN.