XUUTIYIINTA OO QAFAAL KA WADA GUDAHA GOBOLKA CAMRAAN.
(SAWIRKA)-DHAAWACII SOO GAARAY SHAWQI.
(CAMRAAN-YEMAN)-Dhacda aad u xanuun badan ayaa waxa ey ka dhacday degmada Suweyr ee Gobolka Camraan ee dalka Yeman,dhacdadaan ayaa waxa dhaawac halis ah uu ka soo gaaray Canug toban sano jir ah oo lagu magacaabo SHAWQI YAXYE CAAYID ABU SICIID,xilli uu la joogay Aabihiis oo Salaadii Jimcaha ku soo dukaday Masaajidka Tuuladda ey degan yihiin ee AL-MANJAR. Markii ey dhammataay Salaadii Jimcaha ayaa waxaa gudaha Masjidka soo galay tiro ka tirsan Maleeshiyaadka Xuutiyiint kuwaaso isku dayey iney qafaashaan mawaadin lagu magacaabo”XAAMUD XAAMUD ABU SICIID”,waxayne arrintu noqotay mid gudaha Masjidka rasaas ey isku weydaarsadaan Xaamud iyo maleeshiyaadkii Xuutiyiinta. Aabaha dhalay Shawqi ayaa isku dayey inuu goobta kala baxsado wiilkiisa laakinse mid ka mid ah Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ayaa Bam gacmeed ku tuuray Gudaha Masjidka taaso keentay iney Aabaha iyo wiilkiisa ey ku dhaawacmaan firirka Bam gacmeed lagu tuuray gudaha Masjidka. Muuqaalo soo noqnoqday oo dhiig badan ah ayaa lagu arkaayey gudaha Masjidka,waxaane loo maleynayaa in dhiigaas uu yahay mid ka yimid Aabaha iyo wiilkiisa dhaawacmay oo siku dhex darsamay,waxay dhacdadaan cadeyneysaa heerka ey gaarsiisan tahay fal dembiyeedyadda iyo tacadiyadda ey Maleeshiyaadka Xuutiyiinta kula kacaan mawaadiniinta ku dhaqan degaanadda ey maamulaan. Sawiro Muujinaayo dhaawaca soo gaaray qeybo ka mid ah jirka canuga yar(Shawqi) kuwaaso lagu daaweynaayo Isbitaal ku yaalo G/Camraan.
ISHA/MO.