XUUTIYIINTA OO GENTAAL LA HELAY MARKAB UU LEEYAHAY INGIRIISKA.

(SAWIRKA)-MARKABKA MV ISLANDER.

(SANA’A-YEMAN)-Sida uu ku waramay Taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka ee CENTCOM,intii u dhexeysay 4:30 ilaa 5:30-subaxnimo ee waqtiga caasimadda Yeman ee Sanca maanta oo Khamiis ah kuna beegan 22/2/2024-ka ayey diyaaradaha dagaalka ee dalka Maraykanka iyo Markab dagaal oo uu Isbahaysiga leeyahay ey soo rideen lix diyaaradood oo ah nuuca aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano DRONES-ka,waxaane diyaaradahaan iska leh kooxda ey taageerto dawaladda Iraan ee Xuutiyiinta dalka Yeman kuna sugan Badda Cas, OWA UAVs ayaa taliska dhexe ee Maraykanka aqoonsaday waxa eyna u badan tahay in lagu bartilmaameedsaday Maraakiibta dagaalka ee dalka Marayka iyo kuwa Xulafadda kuna wada suga Badda Cas,waxayna ahayd khatar soo socotay. Ka dib intii u dhexeysay 8:30 ilaa 9:45-subaxnimo ee isla maanta oo Khamiis ah ayey kooxda Xuutiyiintu laba Gentaal oo nuuca Balastikada ah ka soo riday koonfurta dalka Yeman,waxayna ku rideen gacanka Cadmeed. Gentaaladaas ayaa saameeyey Markabka MV Islander kaaso uu ka dul babanaayey calanka Palau waxaane laga leeyahay dalka Ingiriiska,Gentaalka ayaa sababay dhaawac fudud,Marakabka ayaana sii watay safarkiisa.

ISHA/CENTCOM.

Previous
Previous

URURKA XIZBULLAHI IYO IRAAN OO ISKU DHACAY.

Next
Next

GABAR YAR IYO QOF DUMAR AH OO LAGU DILAY…