XUUTIYIINTA OO GENTAAL KU DHUFTAY MARKAB U SOCDAY IRAAN.

(SAWIRKA)-GACANKA CADMEED.

(DUBAI-UAE)-Kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa laba Gentaal ku dhuftay Markab ku sii jeedo deked ku taalo dalka Iraan maanta oo Isniin ah,waxaane halkaasi ka dhashay khasaaro aan badnayn oo soo gaaray shaqaalihii la socday Markabka la weeraray. Weerarkii lagu qaaday Jasiiradda Marshal oo uu ka babanaayo calanka dalka Giriiga ee Star Iris ayaa muujinaayo sida baaxadda leh ey Xuutiyiinta dalka Yeman hadda u bartilmaameedsanayaan Maraakiibta isaga kala gooshta Badda Cas,Gacanaka Cadmeed iyo Gacanka Baab EL-mendab ee isku xira labada Marin biyood. Xiddiga Iris ayaa ka soo ambabaxay dalka Brazil waxa uuna ku socday dekedda Bandar Khumayni oo ku taalo dalka Iraan,dalka Iraan ayaa ah taageeraha ugu weyn iyo hubeeyaha Xuutiyiinta ee dagaalka dalka Yeman.

ISHA/AP.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

SHIR AFAR GEESOOD AH OO KU IDLAADAY MASAR.

Next
Next

INGIRIISKA OO CUNAQABATEYN KU SOO ROGAY AFAR.