XOGHAYAHA QM GUTERRES OO SAWIR LA…
WAA KAN SAWIRKA MURANKA DHALIYEY EE GUTERRES LA GALAY DILAYAASHA CIRAAQ.
(BAQDAD)-Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa booqasho ku joogo dalka Ciraaq Caasimadiisa Baqdaad,Guterres ayaa halkaas kulamo kula leh hogaamiyeyaasha siyaasadda dalkaasi Ciraaq,balse waxaa soo baxay sawir uu Guterres la galay rag laayey ciidamdii reer galbeedka uu hogaaminaayey Maraykanka waxaane ragaasi ka mid ah Qeys Alkhazcali ahne hogaamiyihii kooxdii la magac baxday Ahlul Xaq oo Maraykanku u aqoonsan yahay Argagixiso iyo Rayaan Al-Kaldaani oo isna gaystay dilal fara badan gaar ahaan ciidamadii reer Galbeedka ee ku sugnaay dalkaasi Ciraaq.
ISHA WARKA ARAB.