XILDHIBAANO KA HADLAY DHIIBISTA…

KHALAF AL-ROMATHI.

(JORDAN)-Todabaadyadii la soo dhaafay warbaahinta caalamka Carabta intooda badan waxa ey ka hadlaayeen arrin la xiriirto nin ganacsada reer Imaaraat ah oo laga qabtay garoonka diyaaradaha Camaan ee caasimadda dalka Urdun,ninkaan ganacsada ah oo la yiraahdo Khalaf Al-Romathi ayaa dalka Urdun u yimid sidii uu u soo arki lahaay wiilkiisa oo halkaasi wax ku barto,hadaba arrinta ninkaan Imaaraatka ah ayaa waxaa ka hadlay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Urdun xikdhibaankaso horay u soo noqday garsoore Maxkamadeed waxa uuna sheegay iney rumaysan yihiin xildhibaanada dalkaasi Urdun in Xukuumada Urdun ey jebisay sharciga dalka waxa eyna ku indha adeygtay iney dalka Imaaraatka u diraan nin Imaaraati ah haystana dhalashada dalka Turkiga ka dib markii laga xiray caasimadda Camaan ee dalka Urdun bishaan. Khalaf Al-Romathi oo 58-jir ah ayey maxkamad ku taalo Imaaratka xukuntay sannadkii 2013-kii waxaane dalka Imaaraatka ka jirto dacwad dad fara badan loo haysto loogana yaqaano gudaha Imaaraatka-94,dacwadaasi ayaa waxaa cambaareyey Ururada u dooda xuquuqda aadanaha waxa eyna ku tilmaameen dacwadaasi iney tahay midaan cadaalad ahayn.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

WALIID JUMBULAAT OO IS CASILAY..

Next
Next

MUCAARADKA TURKIGA OO KALA JABAY.