XARAKADA XAMAAS OO JOOJISAY KA BIXIDA GAZA.

(SAWIRKA)-DADKA KA SOO QAXAAYO DAGAALKA GAZA EE KU SUGAN RAFAX.

(GAZA)-Maamulka Gaza ey gacanta ku hayso Xarakadda Xamaas ayaa joojiyey daad gureynta dadka wata baasboorada Ajnabiga ah kuwaaso loo gudbinaayo dhinaca dalka Masar maanta oo sabti ah(4/11/23)-ka ka dib markii Isra’iil ey iska diiday iney ogolaato in dadka dhaawaca ah ee reer Falastiin loo daad gureeyo dalka Masar,sidaas waxaa laga soo xigtay saraakiil joogta xuduuda u dhexeeyso Masar iyo Falastiin. “Ma jiri doonaan dad wata baasbooro Ajnabi ah oo loo ogolaanaayo iney ka baxaan Marinka Gaza ilaa dadka dhaawaca ah ee reer Falastiin ee u baahan daaweynta loo daad gureynaayo Isbitaalada ku yaalo Waqooyiga Marinka Gaza ayagoo la sii marsiinaayo isgoyska Rafax ka dibne Masar”,sidaas waxaa sheegay masuuliyiin qariyeen magacyadooda.

ISHA/AFP

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

MARINKA GAZA OO AAN LAHAYN WAX ISGAARSIIN AH.

Next
Next

ISRA’IIL OO DHULKEEDA KA SOO SAARATAY FALASTIINIYIN.