XAMAAS OO SI QARSOODI AH KU DHIIBI DOONTO…
(SAWIRKA)-MAXAABIIS.
(GAZA)-Ururka Xamaas ayaa iska dhaafi doona xafladii xil wareejinta ee caadiga ahayd, marka ey soo celiyaan Maydadka afar la haystayaal Israa'iili ah habeenka Arbacada, iyadoo Israa'iil la filayo iney sii deyso in ka badan 600 oo Maxaabiis Falastiiniyiin ah si ey beddelkeeda u hesho, kooxda Xamaas ayaa sheegtay.
Isdhaafsiga ayaa noqon doona kii ugu dambeeyay ee wajiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta jilicsan ee Gaza kaas oo dhaqan galay Janaayo-19/2025-ka. Sarkaal ka tirsan Xamaas ayaa Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay in taa beddelkeeda ey Israa’iil sii deyn doonto 625 Maxaabiis Falastiiniyiin ah.
Sarkaalka ayaa sidoo kale sheegay in soo celinta Afarta Meyd ey u dhici doonto si gaar ah "si looga hortago in qabsashadu eysan helin wax cudurdaar ah oo dib u dhac ah ama carqaladeyn ah."
Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa xaqiijiyey in xil wareejinta la qorsheeyay habeenka Arbacada, "Iyadoon Xafladaha Xamaas eysan dhicin." Xamaas ayaa hore gacan uga gaysatay goobo fagaare ah, iyadoo dadka la qafaashay lagu soo bandhigay Masraxa, lana siiyay shahaadooyin iyo Boorsooyin Hadiyada ah, waxayna inta badan sameeyaan iney ka hadlaan dadka hortiisa. Daawashada,gaar ahaan kuwa lagu soo bandhigay Naxashadaha ey ku jiraan haraagii la haystayaashii dhintay ayaa caro ka muujiyay Israa'iil, taas oo joojisay sii deynta Maxaabiista la qorsheeyay intii lagu jiray is-weydaarsiga todobaadkii hore si ey uga Mudaaharaadaan waxa ey ugu yeereen "xaflad bahdil ah." Sarkaal labaad oo Xamaas ka tirsan oo wax ka yaqaana is dhaafsiga ayaa AFP u sheegay in Maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee sii deyntooda dib loo dhigay la sii deyn doono isla marka Meydadka la soo celiyo Arbacada. "Xamas waxay soo wareejin doontaa Maydadka Afarta Maxbuus ee Israa'iil saqda dhexe, taa beddelkeeda, mas'uuliyiinta Israa'iil waxay si isku mar ah u sii dayn doonaan Maxaabiista Falastiiniyiinta ah iyo Maxaabiista qaybta toddobaad," ayuu u sheegay AFP. Mida kale, koox yar oo haween Falastiiniyiin ah iyo carruur aan qaan-gaarin oo la sii dayn doono si loogu beddelo Meydadka ayaa la sii dayn doonaa ka dib markii maamulka Israel uu xaqiijiyo Aqoonsiga la haystayaasha dhintay, ayuu raaciyay. "Qaabkan waxaa la sameeyay iyadoo lagu salaynayo soo jeedin ey soo bandhigeen dhexdhexaadiyeyaasha, taasoo Xamaas ogolaatay," ayuu yiri sarkaalku. Adeegga Xabsiga Israa'iil ayaa Arbacadii sheegay in ey "diyaar garow ugu jiraan... sii deynta Maxaabiista xiran si waafaqsan heshiiska soo celinta la haystayaasha."Si kastaba ha ahaatee, ma eysan bixin wax calaamad ah oo ku saabsan waqtiga la sii deynaayo. Xabbad-joojintu waxay si weyn u hakisay dagaalkii ka dhashay weerarkii Xamaas ee Oktoobar 7, 2023 ku qaadeen Israa’iil, waxaana la arkay 25 la haystayaal ah oo ilaa hadda la sii daayey iyagoo nool oo lagu beddelay in ka badan 1,100 Maxbuus. Waxaa jiray rabshado goos goos ah, si kastaba ha ahaatee. Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ey duqaymo xagga cirka ah ku qaadeen dhowr goobood oo laga soo riday gudaha Qaza, ka dib markii madfac laga soo riday halkaas Arbacadii, in kasta oo ey rasaastu ku dhacday gudaha dhulka Falastiiniyiinta. Magaalada Washington, Ergeyga ugu sareeya ee Madaxweyne Donald Trump u qaabilsan Bariga Dhexe ayaa sheegay in wakiillada Israa'iil ey ku sii jeedaan wadahadalka wejiga xiga ee xabbad joojinta. “Waxaan sameyneynaa horumar badan. Israa'iil waxay soo diraysaa koox hadda inta aanu hadlayno," Steve Witkoff ayaa u sheegay dhacdo loo qabtay guddiga Yuhuudda Maraykanka.
Waxay noqon doontaa Doha ama Qaahira, halkaas oo wada xaajoodyadu ey mar kale ka bilaaban doonaan Masar iyo Qatar.
Wejiga koowaad ee heshiiska ayaa la filayaa inuu dhammaado Sabtida, laakiin wada Xaajoodyada Marxaladda xigta oo loogu talagalay iney bilaabmaan horaanta Febraayo ayaan wali bilaaban.
Xamaas ayaa sheegtay iney diyaar u tahay iney sii deyso dhammaan la haystayaasha haray "hal mar" inta lagu jiro wajiga labaad. Axaddii, kooxdu waxay ku eedaysay Israa'iil iney khatar gelinayso Xabbad Joojinta Gaza iyadoo dib u dhigtay sii deynta Maxaabiista Falastiiniyiinta. Arbacadii, kumannaan kun ayaa isugu soo baxay Israa’iil aaska Shiri Bibaas iyo wiilasheeda, kuwaas oo lagu dilay qafaalka Gaza, waxayna calaamad u noqdeen dhibaatada la haystayaasha ee dalkaas. Baarlamaanka Israa’iil ayaa qabtay hal daqiiqo oo aamusnaan ah si ey ugu tacsiyeeyaan dhimashadooda, iyo sidoo kale kuwa kale ee dhibanayaasha kale ee ku waxyeeloobay weerarkii Xamaas ee Oktoobar 7, 2023. “Shalay, waxaa dhacay aaska Oded Lifshitz; maanta, waxaa dhacaysa aaska Shiri, Kfir iyo Ariel Bibaas. Waxaan Xasuusannahay dhammaan dhibanayaashii October 7. Waan Xasuusannahay, mana iloobi doono," ayuu yiri afhayeenka Amir Ohana. Xamaas iyo xulafadeeda ayaa maalintaas qafaashay 251, iyadoo 62 wali lagu hayo Gaza, 35 ka mid ah waa la dilay. Israa'iil ayaa wacad ku martay iney burburinayso Xamaas weerarka ka dib, kaasoo ah kii ugu dhimashada badnaa taariikhda dalkaas, waxayna soo celinta dhammaan la haystayaasha ka dhigtay ujeeddo dagaal.
Weerarkan ayaa sababay dhimashada in ka badan 1,215 qof, oo u badan dad rayid ah, sida lagu sheegay tirokoob ey Wakaaladda Wararka ee AFP ka soo saartay tirada rasmiga ah ee Israa’iil.
Aargoosiga Israa'iil ee Gaza ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 48,348 qof, sida ey sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee dhulka ey Maamusho Xamaas, tirooyin ey Qaramada Midoobay u aragto mid la aamini karo. Aaska qoyska Bibas ee Arbacadii, aabbaha Yarden Bibaas, oo si gooni gooni ah loo afduubay Oktoobar 7-dii lana sii daayay isagoo nool is dhaafsi hore, wuxuu raalli-geliyay Xaaskiisa iyo wiilashiisii. "Shiri, waan ka xumahay in aan idin wada ilaalin kari waayay," ayuu ku yidhi ammaantiisa, isagoo codkiisu dillaacay. Heesta calanka Israa’iil ayaa la tumay iyadoo kolonyada aaska ey dhex mareen dad badan oo ku sugnaa bartamaha magaalada Rishon LeZion, halkaasoo Meydka saddexda la heystayaasha loo diyaariyay in lagu aaso."Qoyska Bibas, waxaan u maleynayaa, iney la mid yihiin astaanta wax kasta oo nagu dhacay ilaa Oktoobar 7," ayay tiri Macallimad hawlgab ah Ayala Schlesinger Avidov, 72, oo ey ka muuqato qiiro markii ey la hadlaysay AFP. "Labada ilmaha ah iyo hooyada aan waxba u qaban aduunka oo lagu dilay dhiig qabow."
ISHA-AN