XALKA BARIGA DHEXE WAA MID U YAAL BARIGA DHEXE.

(SAWIRKA)-MADAXDA BARIGA DHEXE.

(WASHINGTON)-Todobaadyadii hore ee sannadkan-2024-ka,markii uu bilawday dagaalka Masiibada ah ee Marinka Gaza ayaa waxa bilaabaty cabsi kale oo ah in dagaaku ku faafo Gobolka Bariga dhexe oo dhan,xasiloonida Bariga Dhexe waxay u muuqataa iney mar kale udub dhexaad u tahay Ajandaha iyo Siyaasadda Dibadda dalka Maraykanka. Maalmihii ugu horeeyey ka dib weerarkii Xamaas ee 7/10/23-ka,maalmulka Biden waxa uu bariga dhexe u raray laba kooxood oo weerar ah oo qaada diyaaradaha iyo Markab Quwadda Nukliyeerka ah oo ka shaqeeyo Bariga Dhexe,halka Qulqulka joogtada ah ee Saraakiisha sare ee Maraykanka ah oo uu ku jiro MW-Joe Biden ey bilaabeen iney sameeyaan safaro heer sare ah ilaa Gobolka. Dabadeed,markii uu khilaafku noqday mid adag oo aan la xakameyn karin,Maraykanku waa uu sii socday. Horaantii bishii Noofembar-2023-kii iyadoo laga jawaabayo weerarada shaqaalaha Mileteriga Maraykanka ee ku sugan dalalka Ciraaq iyo Suriya ee ey gaysteen kooxaha ey taageerto Iraan,Maraykanku waxa uu weeraro ku qaaday goobo ku yaalo dalka Suriya kuwaaso uu hub u yiilay ILaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iraan. Horaantii bishii Janaayo-2024-ka ciidamadda dalka Maraykanka ayaa caasimadda Baqdaad ku dilay taliye sare oo ka mid ah Ilaaladda Kacaan Islaamiga ah ee Iraan. Bartamihii bishii Janayo-2024-ka,ka dib weeraro todobaadya ah oo ey kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Maraakibta Ganacsiga ee ku sugan Badda Cas,waxaane weeradaasi fuliyey kooxda Xuutiyiinta Yeman oo ey taageerto Iraan,Maraykanka oo ey wehliso Boqortooyada Ingiriiska ayaa bilaabay weeraro isdaba joog ah oo lagu beegsanaayo Xuutiyiinta Yeman.

ISHA/FA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

MARAYKANKA OO WEERARAY GOOBO KU YAALO CIRAAQ IYO SUURIYA.

Next
Next

BIDEN OO CUNAQABATEYN SAARAYO…