XAGEE AYU KU DAMBEYEY KHALAF?
(SAWIRKA)-KHALAF AL-TUMAITHI.
(JORDAN)-Gudaha dalka Imaaraatka Carabta waxaa ka jirto dacwad loo yaqaano(94),dacwadaan ayaa loo haystaa dad aad u fara badan una dhashay dalka Imaaraatka Carabta kuwaso intooda badan ah dad aqoon leh laguna tuhmaayo iney diyaarinayeen inqilaab xukunka looga tuuraayo qoyska hadda haysta talada dalka Imaaraatka Carabta. Khalaf Al-Rumaithi waxa uu ka mid yahay raga Imaaraatku raadinayo kana mida liiska dadka ku edeysan dembiyada,Khalaf waxa uu aaday dalka Urdun si uu wiilkiisa ugu soo helo iskuul uu dhigto ka dibne waxaa la waayey Khalaf, Khalaf ayaa ahaay masuul hore kana tirsanaay dawladda Imaaraatka Carabta kana dhashay qoys macruuf ah,waxaane Khalaf lagu xiray dalka Urdun ka dib markii dalka Imaaraatka uu sidaas ka dalbaday Urdun,ka hor inta aan la dhegaysan dacwadiisa Khalaf ayaa la waayey.
ISHA WARKA MEE.