WFP OO JOOJISAY KAALMADII QAXOOTIGA SURIYA EE…
(SAWIRKA)-QAXOOTIGA REER SURIYA EE JOOGA BOQORTOOYADA URDUN.
(JORDAN)-Xukuumadda Boqortooyada Urdun ayaa maanta oo Khamiis ah sheegtay in hayada cuntada adduunka(WFP) ee Qaramada Midoobe ey joojin doonto kaalmada ey siiso Qaxootiga reer Suriya ee ku sugan dalka Boqortooyada Urdun marka laga bilaabo kowda bisha soo socoto ee Agoosto-2023-ka. Sida laga soo xigtay qoraal ka soo baxay xafiiksa Wasiirka arrimaha dibadda Boqortooyada Urdun Eyman Safadi ayaa lagu sheegay iney jiraan hayado kale kana tirsan Qaramada Midoobe iney iyaguna joojin doonaan kaalmada ey siiyaan Qaxootiga reer Suriya ee ku sugan Boqortooyada Urdun,taasne waxa ey cadaadis ba’an ku tahay dalka Boqortooyada Urdun ee matrigeliyey Qaxootiga,Boqortooyada Urdune ma awoodo iney buuxiso firaaqaas. “Arrinku ma aha mid ey masuul ka tahay Boqortooyada Urdun,waxaa masuul ka ah kuwa joojiyey kaalmada,mana nihin kuwa kaligood qaadi kara culayskan”sidaas waxaa yiri wasiir Eyman.
ISHA/AA.