WEERAR LOO AEEGSADAY DRONES OO KA DHACAY…

DRONES-KI LAGU WEERARAY MASULIYIN YEMAN AH.

(SANCA-YEMAN)-Wararka ka imaanaayo dalkaasi Yaman ayaa sheegaayo in Wasiirka Gaashaandhiga Yeman Muxsin Al-Daaciri uu wehliyo Gudoomiyaha Gobolka Ticis Nabiil Shamsaan ey maanta oo Sabti ah ka badbaadeen isku day dil kaaso ka dhacay Galbeedka dalka Yeman sida laga soo xigtay warbahinta gudaha Yeman. Kolonyo ey la wada socdeen Wasiirka Gashaandhiga iyo Gudomiyaha Gobolka Ticis ayaa lagu weeraray diyaaradaha aan duuliyaha wedin ee Drones-ka nuucooda iskood u qarxa,weerarka ayaa waxa uu ka dhacay degaanka Kadxa oo ku taalo Galbeedka Gobolka Ticis. Sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta dalka Yeman Mucamar Al-Eryaani weerarka waxaa ku dhintay hal qof oo ahaay ilalada Gudoomiyaha Gobolka Ticis waxaane ku dhaawacmay laba kale oo iyagana ah ilaalada gudoomiyaha gobolka Tiicis.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

SACUUDIGA OO XADIDAY CUMRADA BISHA RAMADAAN.

Next
Next

DHISMA KU DUMAY DALKA QADAR.