WEERAR LOO ADEEGSADAY BAABUUR OO…
SAWIRKA BAABUURKA LOO ADEEGSADAY WEERARKA IYO DALXIISIHII KU DHINTAY EE TALYAANIGA AHAAY.
(QUDUS)-Tan iyo markii ey bilaabatay bisha Barakaysan ee Ramadaan dhulka reer Falastiin ey xooga ku degan yihiin dadka laga keenay dibadda ayaa waxaa ka socday iska hor imaadyo u dhexeeyo ciidamadda Israel iyo dad caraysan oo reer Falastiin ah,arrintaan ayaa waxa ey cirka isku shareertay ka dib markii ey ciidamadda Israel ey weerar kedis ah ku qaadeen Masjidka Al-Aqsa halkaaso ey ka dhaceen dhibaatooyin fara badan eyna ka dhalatay carro caalami ah. Maqribnimadii shalay oo Jimaca ahayd ayaa dhulka Israel haysato waxaa ka dheceen laba weerar mid ayaa dhacay Maqribkii waxaane weerarkaas lagu qaaday baabuur lala beegsaday meel dadku ey ku badan yihiin waxaane weerarka gaystay nin la yiraahdo Yuusuf Abu Jaabir oo 45-jir ah degane Kafr Qaasim,booliska Israel ayaa sheegay in weerarkasi uu ku dhintay nin dalxiise ahaay una dhashay dalka Talyaaniga lana yiraahdo Alessandro Parini oo 35-jir ah,Parini ayaa ahaay Qareen ka hawlgala magaaladda caasimadda ah Rome ee dalkaasi Talyaaniga,dalxiisayaasha ayaa ka kala yimid dalalka Talyaaniga iyo Ingiriiska.
ISHA WARKA WAKALAD.