WEERAR KA DHACAY SUURIYA.

(SUURIYA)-Weerar lagu qaaday Bus eey saarnaayeen dad shacab ah iyo ciidan isugu jira ayaa waxa uu ka dhacay Waqooyiga dalka Suuriya maanta oo Isniin ah,weerakaas ayaa lagu dilay dad gaarayo 13-qofood eey ku jiraan 11-askeri oo ciidanka dawladda Suuriya ah waxaane lagu dhaawacay seddex kale oo isla ciidamadda ka tirsan,sidaas waxaa sheegtay warbaahinta dawladda Suuriya oo soo xiganayso sarkaal ka tirsan ciidamadda balse aan la sheegin magaciisa. Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka u faafiso dalka Suuriya ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano”SANA” ayaa sheegtay in weerarku ka dhacay gobolka Raqa kaaso horey eey maamuli jirtay kooxda Daacish(ISIS),wakaaladda SANA ma aysan sheegin halka Bus-ka lagu weeraray meesha eey tahay iyo in weerarku ahaay jidgelid,rasaas lagu furay Bus-ka oo socda,in Bus-ku ku dhacay gentaal,iyo in Bus-ku la kacday miino dhulka lagu aasay.

ISHA WARKA WAKAALADO.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

WIIL FALASTIIN AH OO MINDI LAGU..

Next
Next

SACUUDIGA IYO ISRAA’IIL OO GANACSI…