WASIIR SAAMIX SHUKRI OO KA HADLAY…

WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA MASAR SAAMIX SHUKRI.

(QAHIRA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Masar Saamix Shukri ayaa maanta oo Sabti ah ka digay”Handadaada amni ee dhinaca biyaha ah”taaso ey wajahayaan dalalka Bariga Dhexe iyo kuwa Qaaradda Afrika,hadalka Wasiirka ayaa yimid ka dib markii dawladaha qaarkood ey biyaha wabiyada u arkeen ineey yihiin kuwa sideey ayaga doonaan ka yeelan karaan,Wasiir shukri ayaa dawladda Itoobiya ku tilmaamay mid aan daacad ka ahayn xal ka gaaridda sida laga yeelaayo biyaha wabiga Niil,iyo dalka Itoobiya oo sii wada buuxinta biya xireenka si ey halkaas uga dhaliyaan koronto. Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Saamix Shukri ayaa yimid waqti la furaayey shir sannadle ah ey isugu yimaadiin Golaha Arrimaha Dibadda Masar waxaane looga hadlaayey raadka ey ku yeelan karaan nolosha dadka reer Masar dagaalka Ruushka iyo Yukrayn iyo Biya xireenka ey dhisaneyso Itoobiya haddii la hawlgeliyo.

ISHA WARKA A/JADEED.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

JAAMICADA CARAB OO MARTIGELISAY…

Next
Next

‘KAADIDEYDA AYAAN CABAY’WAXA YIRI…