WARIYE LAGU AFDUUBAY…

DAGAALYAHANO FALASTIIN AH.

(FALASTIIN)-Wariye reer Falastiin ah una shaqeeyo wakaalad tebiso wararka lagana leeyahay dalkaasi Iraan ayaa muddo kooban lagu afduubay dhulka Falastiin,wariyaha la afduubay ayaa la jir dilay lana handaday waqtigii uu afduubnaay,afduubka wariyaha ayaa waxaa sammeeyey rag Falastiiniyiin ah kuna hubaysnaay bastoolado,waxa eeyna arrintaan dhacday wariyaha oo tebinayo kala carar ka jiray banaanbax eey sameynaayeen ardayda Islaamista ah ee Daanta Galbeed dhulka reer Falastiin horaantii todobaadkii tegay. Wakaaladda wararka ee Tasnim ee laga leeyahay dalkaasi Iraan ayaa sheegtay in wariye Samiir Khuweyra eey xoog baabuur ku saarteen laba nin oo ku hubaysnaay bastoolado maalintii Talaadad ee la soo dhaafay,wariye Samiir ayaa la jir dilay lana handaday,soo tebinta dhacdada uu soo tebinaayey wariye Samiir ayaa ahayd mid khatar ku ah maamulka Falastiiniyiinta iyo calmaaniyiinta jabhada Al-Fatax ee la baabi’iyey waxaane wariye Samiir la sii daayey nus saac ka dib waqtigii la afduubay.

ISHA WARKA WAKAALADO.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

QAAHIRO: GURI KU DUMAY QOYS..

Next
Next

MASAR: HOGAAMIYEYAASHA LIIBIYA OO KU….