WAIIRADDA ARRIMAHA DIBADDA EE ISLAAMKA IYO CARABTA OO RIYA..
(SAWIRKA)-HAKAN FIDAN.
ISTANBUL)-Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Turkiga Hakan Fidan ayaa lagu wadaa inuu ka qeybgalo shir ey yeelanayaan Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka(OIC) iyo kuwa Jaamicadda Carabta maalinta Axada ah,shirka ayaa looga dan leeyahay in looga hadlo xiisadda Marinka Gaza. Kulanka Wasiiradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu qaban doonaa qeyb ka mid ah shir Madaxeedka aan caadiga ahayn ee wadajirka ah ee Carabta iyo Islaamka ee ka dhacaay caasimadda Boqortooyadda Sacuudiga ee Riyaad,sida maanta oo sabti ah laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed oo Turki ah. Shir Madaxeedkan ayaa dib u eegis ku sameyn doono fulinta go’aamadii la qaatay sannadkii hore ee 2023-ka, waxaane la filayaa in laga soo saaro talaabooyin cusub oo lagu joojinaayo weeraradda Isra’iil ee Marinka Gaza,Daanta Galbeed ee Falastiin iyo Lubnaan.
ISHA-AA.