WADAMADDA CARABTA OO TACSI U DIRAY DALKA IMAARAATKA CARABTA.
(SAWIRKA)-MEYDADKII SARAAKIISHII IMAARAATKA CARABTA OO GAARAY UAE.
(DUBAI-UAE)-Wadamadda Carabta ayaa dalka Imaaraatka Carabta uga Tacsiyeyey Geeridii ku timid Shuhada Sharafta leh ee maanta Meydkooda uu soo gaaray dalkooda Hooyo ka dib markii ey la kulmeen fal Argagixiso oo ka dhacay Jamhuriyadda aan walaalaha nahay ee Soomaaliya iyagoo gudanaayey waajibaadkoodii shaqo ee tababarka iyo shahaadooyinka Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya. Dalal badan oo Carab ah ayaa Tacsi waxa ey u soo direen dalka Imaaraatka Carabta waxaane dalalkasi ka mid ah Dalka Masar,waxa eyna sheegtay iney uga tacsiyadeyneyso geeridii ku timid saraakiisha Imaaraatka ee ku dhinta weerarkii Argaixiso,sidoo kale waxaa iyaga Tacsi u soo diray dalka Imaaraatka Carabta dalalka kala ah Sacuudiga iyo dalka Kuweyt oo dhammantood sheegay sida ey uga xun yihiin weerarkaasi bahalnimada ahaa ee lagu dilay ciidamadda Imaaraatka Carabta iyo sarkaalka u dhashay dalka Baxreyn.
ISHA/AL-BAYAN.