URURKA XAMAAS OO KU DHAWAAQAY INUU DIYAAR U YAHAY…
(SAWIRKA)-KHALIIL AL-XAYAH.
(CAIRO)-Madaxa Gaza ee Ururka Xamaas ayaa sheegay in kooxdu ey diyaar u tahay iney si deg deg ah uga wada xaajoodaan heshiis lagu beddelayo dhammaan la haystayaasha tiro lagu heshiiyey oo Falastiiniyiin ah oo ey Israa'iil xirtay, taas oo qayb ka ah heshiis ballaadhan oo lagu soo afjarayo dagaalka ka socda deegaanka.
Khudbad laga sii daayay taleefishinka, Khalil AL-Xayah, oo hogaamiya kooxda Xamaas ee wada xaajoodka tooska ah la leh Israiil, ayaa sheegay in kooxdu ey diiday heshiis xabbad joojin ah oo ku meel gaar ah. "Netanyahu iyo dowladiisa waxay u adeegsadaan heshiisyada qayb ka ah sidii ey u dabooli lahaayeen qorshahooda siyaasadeed, kaas oo ku salaysan sii wadida dagaalka xasuuqa iyo gaajada, xitaa haddii qiimaha uu u hurayo dhammaan maxaabiistiisa (la haystayaashiisa). Ma noqon doono qayb ka mid ah gudbinta siyaasaddan, "ayuu yiri Xayah, isaga oo tixraacaya Ra'iisul Wasaaraha Israiil Benjamin Netanyahu. Dhexdhexaadiyayaasha Masar ayaa ku hawlanaa sidii ey dib ugu soo noolayn lahaayeen heshiiskii xabad joojinta ee bishii Janaayo ee lagu hakiyay dagaalkii Gaza ka hor intii aanu burburin bishii hore, laakiin waxaa muuqata horumar yar oo ey labada Israa’iil iyo Xamaas midba midka kale ku eedeynayo heshiis la’aanta.
Wadahadalladii u dambeeyay ee Isniintii ka dhacay Qaahira si loo soo celiyo xabbad joojinta iyo la haystayaasha Israa’iil ee la sii daayay ayaa ku dhammaaday iyada oo aan wax horumar ah laga gaarin, sida ey sheegeen ilo-wareedyo Falastiiniyiin iyo Masar ah.
Xayah waxa uu sheegay in Xamaas ey aqbashay soo jeedin ka timid dhexdhexaadiyayaasha, Qatar iyo Masar, oo ahaa in la sii daayo qaar ka mid ah la haystayaasha, si loogu beddelo Falastiiniyiinta u xiran Israa’iil, lana bilaabo wada-hadallo ku aaddan dhaqan-gelinta wejiga labaad ee heshiiska xabbad-joojinta oo ey ka mid yihiin joojinta dagaalka iyo ka bixitaanka ciidammada Israa’iil ee Gaza.
Wuxuu ku eedeeyay Israa'iil iney soo bandhigtay hindise liddi ku ah "shuruudo aan macquul ahayn."
ISHA-AA.