URURKA JAAMICADDA CARABTA OO ISUGU IMANAYO…

(SAWIRKA)-CAASIMADDA KHARTUUM.

(QAHIRO)-Ururka Jaamicadda Carabta war uu soo saaray ayuu ku sheegay in Ururku isugu imaan doono shir deg deg ah maanta oo Axad ah(16/4/23)-ka,shirkaan deg dega ah ayaa go’aan looga gaari doono dagaalka ka bilawday dalka Suudaan shalay oo Sabti ahayd(15/4/23)-ka. Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamicadda Carabta Xusaam Zaki ayaa warbaahinta u sheegay in kulan deg dega ah ey ka qeybgeli doonaan wafdiyada wadamadda xubnaha ka ah ururka ee u fadhiyo xarunta Ururka Jaamcadda Carabta ee magaaladda Qaahira,fadhigaan deg dega ah ayaa yimid ka dib markii uu codsi ka yimid safiiradda u fadhiyo wadamadda Sacuudig iyo Masar.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

DAACISH OO DAD KU DISHAY…

Next
Next

DAGAAL KA SOCDO DALKA SUUDAAN.