URURKA DAACISH OO DAD KU DILAY DALKA…
DAGAALYAHANADA DAACISH.
(SYRIA)-Sida ey sheegeen hayadaha u dooda xuquuqda ee dalka Suriya tobaneeyo dad shacab ah ayaa la dilay ka dib markii lagu qaaday weerar hubaysan maanta oo Jimca ah 17/2/23-ka,weerarka ayaa waxa uu ka dhacay baadiyaha Xumsi ee Bariga dalka Suriya,Tv-ga qaranka ee Suriya ayaa weerarka ku tuhmaayo ineey fuliyeen xoogaga Daacish. Kooxda u dooda xuquuqda dadka lana socoto waxyaabaha ka dhacaayo dalka Suriya ayaa ka hadashay weerarka lagu qaaday dadka shacabka ah waxa eyna sheegeen in weerarkaasi loo malaynaayo ineey ku dhinteen dad gaaraayo ilaa 36-qofood oo shacab ah oo deganaay degaanka Dabyaat oo ah baadiyaha Xumsi ee Bariga dalka Suriya,waqtiga uu dhacaayey weerarka ayaa soo sheegay in dadka la laayey ey ku hawlanaayeen ururinta qashin yaalay degaanka,laakinse Tv-ga qaranka ee Suuriya ayaa tirada dhimashada gaarsiiyey ilaa 53-qofood.
ISHA WARKA ARAB.