UAE OO LOOGA DIGAY INEEY..

SHARIIF OSMAN IYO XAASKIISA.

(DUBAI)-In ka badan tobaneeyo urur oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dalka UAE waxa ey uga digeen inuu Masar u tarxiilo nin asalkiisu yahay Masar balse haysta dhalashada dalka Maraykanka hadana ku xiran dalka UAE sabab la xiriirto inuu rabay inuu mudaaharaadyo ka abaabulo gudaha dalka Masar waqtigii uu socday shirkii looga hadlaayey arrimaha cimiladda kana dhacay magaalo xeebeedka Sharma Sheekh ee dalka Masar. Shariif Cismaan ayaa ah nin codkiisa ku taageero banaanbaxyada ka socda dalka Masar ee looga soo horjeedo xukuumadda uu hogaamiyo C/fataax Al-Sisi. Shariif Cismaan ayaa laga xiray maqaayad ku taalo Dubai bishii Noofembar-2022-ka,waxa uuna Shariif Dubai u yimid inuu soo siyaarto gabar la dhalatay xaaskiisa oo degan UAE iyo hooyadiis oo ka timid dalka Masar si eey halkaas isugu arkaan ayada iyo wiilkeeda Shariif Cismaan.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

SACUUDIGA OO WFP UGU DEEQAY DHAQAALE…

Next
Next

HAWLGAL KA DHACAY DALKA SUURIYA AYAA..