TURKIGA OO DALKIISA KA MUSAAFURINAAYO SUURIYIIN.
(TURKEY):Dalka Turkiga ayaa weli wada baacsiga uu ku haayo qaxootiga reer Suuriya ee ku sugan dalkiisa waxaane magaaladda IZMIR ciidamadda booliska ku xireen sideed(8) qofood oo qaxooti reer Suuriya ah shalay oo Sabti ahayd(30/10/2021)-ka,sideedaan laga qabtay Izmir ayaa waxaa lagu deraa kow iyo toban(11) kale oo iayaguna ah qaxooti reer Suuriya ah kuna xiran xabsiyadda magaaladda Istambuul,sababta loo xiray dadkaan ayaa lagu sheegay ineey tahay Video-gii la soo dhigay baraha bulshada ee loo yaqaano MOOSKA,mid ka mida qaxootiga ayaan weli qaan gaarin waxaane loo gudbiyey qeybta lagu haayo caruurta aan weli qaan gaarin.
Agaasimaha waaxda socdaalka ee dalka Turkiga ayaa bilaabay hawlihii dadkaan Suuriyiinta ah looga musaafurin lahaay dalka Turkiga,Tirada dadka qaxootiga ah kana soo jeedo dalka Suuriya loona diyaarinaayo in dalkoodii hooyo dib loogu celiyo ayaa garaayo sagaal iyo toban (19)-qofood uu ka mid yahay wiil aan weli qaan gaarin.XIGASHO DS.